Trent Alexander-Arnold Oo Xiddig U Soo Ciyaaray Liverpool Bar-Bar Dhigay Cristiano Ronaldo.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa xiddigii hore ee Kooxda Liverpool ee Sadio Mane bar-bar dhigay xiddiga Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo.

Mane iyo Trent ayaa iska garab ciyaaray muddo sanado ah oo ay Liverpool kula guulaysteen koobab kala duwan.

“Isaga [Mane] waa ciyaaryahankii aan ku fikiray ‘Waan ku faraxsanahay inaan waligey ka hor imaanin isaga.’ Waxa uu ahaa weerarka ugu fiican, wax walba wuu haystay”.

“Malaha wuxuu lamid yahay [Cristiano] Ronaldo. Wuu boodi karaa, waxa uu ahaa mid orod badan, waxa uu dhamaystiri karaa fursadaha, mar walba waa mid halis ah”ayuu Trent Alexander-Arnold ayaa u sheegay Gary Neville.

Waxa xusid mudan in uuna Mane marna ka hor tagin Trent Alexander-Arnold xirfadiisa ciyaareed.

Mane ayaa 4 jeer ka hor yimid Liverpool wakhtigiisii Southampton laakiin Trent ayaan ciyaarin kulamadaas.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga