La Ogaaday: Laba Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Iska Diiday In Ay Laagtaan Rikoodhada Kulankii Man City, Sabab.

Laba Xiddig oo u ciyaara kooxda Real Madrid ayaa la sheegay in ay iska diideen in ay laagtaan rikoodhada kulankii ay Real Madrid garaacday kooxda Man City.

Real Madrid ayaa Man City ku garaacday Rikoodhayaal kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Etihad Staduim.

Labada kooxood ee Real Madrid iyo Man City ayaa ku kala baxay 4/4 natiijadii labada kulan.

Wargayska MARCA Ayaa sheegay in xiddigaha Federico Valverde & Eder Militao ay tababare Ancelotti ka codsadeen in uuna ku darin 5-ta xiddig ee laaganaya rikoodhada.

Xiddiga Federico Valverde ayaa ugu cad-cadaa in uu laagto rikoodhada laakiin waxa uu iska diiday in uu laagto sabab la xidhiidha in uu dareemayay daal aad u badan.

Dhinaca kale xiddiga Eder Militao ayaa iska diiday sabab la xidhiidha in uu ka cabsi qabay in Goolhaye Ederson oo ay isku xul yihiin ka badbaadiyo rikoodhada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga