Arsenal Oo Laga Reebay Laba Tartan Kadib Guuldaradii Bayern Munich.

Kooxda Arsenal ayaa guuldarro 1-0 ah kala kulantay Bayern Munich, waxaana laga soo reebay Champions League wareega 8da.

Si kasta ha ahaatee champions Legaue ma ahan tartanka kaliya ee laga reebay Arsenal Habeenkii Arbacada.

Guuldaradii ay kala kulantay champions league ayaa keentay in ay Arsenal ku fashilanto in ay u gudubto wareega Semi-final-ka tartanka.

Sidoo kale Arsenal ayaa ka hadhay tartanka Club World Cup oo la qaban doono xagaaga 2025.

Kooxda Booska Arsenal qaadan doonta ayaa ah kooxda RB Salzburg.

Tartanka Club World Cup-ka ayaa noqon doona 32 kooxood iyada oo ay haatan kooxaha Manchester City, Chelsea, Real Madrid, Atlético Madrid, Bayern, Borussia Dortmund, Paris Saint-Germain, Inter, Juventus, Benfica, Porto, Salzburg xaqiiqsadeen booskooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga