Thierry Henry Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa la ciyaaray kulamadii lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.

Kulamadii lugta hore ayay bar-baro galeen kooxaha Man City iyo Real Madrid halka ay Arsenal iyo Bayern Munich bar-baro ku heshiiyeen.

Dhinaca kale Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa badiyay kulamadii ay ciyaareen iyaga oo hal lug la galay wareega xiga ee tartanka.

Kadib dhamaadka kulamadii wareega 8 dhamaadka lugta hore Thierry Henry ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta tartanka.

“Kaliya waxaan daneeyaa Arsenal sababtoo ah way ku jiraan tartanka”ayuu yidhi Henry.

“Sidaas darteed waxa aan Arsenal u saadaalinayaa ku guulaysiga champions League xilli ciyaaredkan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga