Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u dhammeystirtay saxiixa daafaca reer Ecuador Piero Hincapié, kaddib markii ay dhaqan gelisay qodobkii heshiiska amaahda ee u oggolaanayay inay si joogto ah ula soo wareegto.
Arsenal ayaa bixisay €40 milyan (£34.5 milyan), iyadoo lagu daray gunnooyin (add-ons), si ay u sii haysato xiddiga Koobka Adduunka 2026.
Hincapié ayaa xilli ciyaareedkii hore u saftay Arsenal 25 kulan oo Premier League ah, isagoo door muhiim ah ka qaatay guushii kooxda ee horyaalka Ingiriiska, taasoo ahayd horyaalkoodii ugu horreeyay tan iyo 2004. Qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ayaa sidoo kale soo jiitay kooxo kale oo waaweyn.
Daafaca reer Ecuador ayaa noqday saxiixii ugu horreeyay ee Arsenal xagaagan, balse waxaa la filayaa inay kooxda tababare Mikel Arteta keento ciyaartoy kale oo badan.
Si kastaba ha ahaatee, maanta Leicester City ayaa diidday dalabkii Arsenal ee ahaa £5 milyan oo loogu talagalay Jeremy Monga. Da’yarkaas ayaa loo arkaa mashruuc mustaqbalka ah, halkii uu si toos ah uga mid noqon lahaa kooxda koowaad ee Arteta.
Be the first to comment