Wararka ka imanaya wargeyska MARCA ayaa sheegaya in Manchester City ay si cad u diidday isku day ay Real Madrid ku doonaysay saxiixa daafaca reer Portugal Ruben Dias xagaagan.
Sida warbixintu sheegayso, tababaraha Real Madrid Jose Mourinho ayaa doonayay inuu keeno Dias si uu mar kale ula midoobo saaxiibkiisa reer Portugal Bernardo Silva gudaha garoonka Santiago Bernabéu.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa gabi ahaanba diidday dalabkaas, waxayna Real Madrid u sheegtay inaysan wax qorshe ah u lahayn iibinta mid ka mid ah ciyaartoydeeda ugu muhiimsan.
Ruben Dias ayaa weli ah tiir-dhexaadka difaaca Manchester City, waxaana maamulka kooxda ay u arkaan inuu yahay ciyaaryahan aan la iibin karin xilligan.
Be the first to comment