WARBIXIN: Sidee Lagu Kala Saarayaa Xulalka kaalinta 3-aad Ee U Gudbaya Wareega 32 Koobka Adduunka.

Iyada oo la Galaxy kulamadii ugu Dambeeyay ee heerka Group-yada Koobka Adduunka waxa jirta su’aalo ay dadka qaar iska waydiinayaan sida loo kala saarayo Kooxaha ku dhamaysta kaalmaha 3-aad.

Waxa la doonayaa 32 xul in ay u gudbaan wareega xiga ee tartanka.

Xulalka ku dhamaysta kaalmaha 1-aad iyo 2-aad ayaa si toos ah ugu Soo baxaya wareega xiga Sidoo kale, 8-da xul ee ugu fiican ee kaalinta 3-aad gala ayaa u gudbaya wareegga xiga.

Hadaba sidee loo kala saarayaa Xulalka kaalinta 3-aad.

Xulalka kaalinta 3-aad waxaa lagu kala saaraa:

**Tirada dhibcaha ay ka heleen dhammaan kulamada guruubka.

**Farqiga goolasha ee dhammaan kulamada guruubka.

**Tirada goolasha ay dhaliyeen.

**Diiwaanka Anshaxa (Fair Play) – iyadoo la eegayo tirada kaararka jaallaha iyo casaanka ah ee ay qaateen.

**Qiimeynta FIFA (FIFA Ranking) ayaa la adeegsan doonaa haddii dhammaan qodobada kor ku xusan ay isku mid noqdaan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga