Sida uu qoray wargeyska The Times, Arsenal ayaa gudbisay dalab dhan £5 milyan si ay ula soo saxiixato da’yarka hibada badan ee Jeremy Monga oo ka tirsan Leicester City.
Si kastaba ha ahaatee, Leicester ayaa diidday dalabkaas, iyadoo lagu soo warramayo inay dooneyso lacag ku dhow £10 milyan, isla markaana ay hesho 15% faa’iidada iibka mustaqbalka (sell-on clause).
Haddii labada koox aysan ku heshiin qiimaha, arrintu waxay gaari kartaa guddiga go’aamiya magdhowga ciyaartoyda da’da yar (transfer tribunal), sida dhacday markii Liverpool iyo Chelsea ay isku qabteen saxiixa Rio Ngumoha.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal waxay doorbideysaa in heshiiska lagu dhammeeyo wada-hadal, halkii loo gudbin lahaa maxkamadda ama guddiga go’aaminta.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Manchester City iyo Chelsea ay hore ula socdeen horumarka Jeremy Monga, balse Arsenal ayaa haatan u muuqata kooxda ugu dadaalka badan ee doonaysa saxiixiisa.
Be the first to comment