Ayyoub Bouaddi Oo Shuruud Ku Xidhay Ku Biirista Arsenal

Warar laga helayo saxaafadda ayaa sheegaya in xiddiga da’da yar ee Ayyoub Bouaddi uu diyaar u yahay inuu ka tago Lille xagaagan, balse uu ku biiri doono Arsenal oo keliya haddii loo dammaanad qaado inuu si joogto ah u ciyaari doono.

Bouaddi oo 18 jir ah ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, wuxuuna si weyn u soo jiitay indhaha intii uu u ciyaaray xulka Morocco kulamadii Koobka Adduunka 2026 ee ay la yeesheen Brazil iyo Scotland.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxo waa weyn oo ay ka mid yihiin Arsenal, Liverpool, Paris Saint-Germain, iyo Real Madrid.

Warbixin uu daabacay The Athletic ayaa sheegaysa in Arsenal ay durba la xiriirtay Lille si ay u ogaato suurtagalnimada heshiiska, isla markaana Bouaddi uu xiiseynayo inuu la shaqeeyo tababare Mikel Arteta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga