Halyeeygii hore ee Faransiiska, Thierry Henry, ayaa isbarbar dhigay ciyaaryahanka da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, iyo kabtanka Portugal, Cristiano Ronaldo.
Henry ayaa falanqeynayay kulankii lugta labaad ee quarter-finalka UEFA Champions League ee u dhexeeyay Barcelona iyo Atletico Madrid habeenkii Talaadada.
Sida uu sheegay, Yamal wuxuu leeyahay “geesinimo aan cabsi lahayn” oo la mid ah tii Ronaldo markii uu yaraa. Xiddiga 18-jirka ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay hadalkiisii ka hor ciyaarta, isagoo goolka furitaanka dhaliyay garoonka Wanda Metropolitano.
Inkasta oo Ferran Torres uu barbarro ka dhigay wadarta guud ee labada kulan, goolka Ademola Lookman ayaa sababay in Barcelona laga reebo tartanka.
Henry ayaa yiri:“Tani waa wixii uu sameyn jiray Cristiano Ronaldo markii uu yaraa: wuxuu si geesinimo leh uga hadli jiray wareysiyada, wuxuuna garoonka ku caddeyn jiray”
“Yamal wuxuu sheegay inuu keligiis qaadi doono Barcelona, labo daqiiqo gudahoodna wuu dhaliyay. Laakiin waxa iiga yaabka badan waa kalsoonidiisa iyo inuusan cabsi qabin.”
Be the first to comment