Xilli Ciyaareedka Xiddig Liverpool Oo Soo Dhamaatay Sabab La Xidhiidha Dhaawac.

Hugo Ekitike ayaa seegi Doona inta ka hartay xilli ciyaareedka iyo FIFA World Cup, kadib markii dhaawac halis ah Soo Gaadhay intii lagu jiray guuldarradii Liverpool ka soo gaartay Paris Saint-Germain ee tartanka UEFA Champions League.

Ciyaaryahanka xulka France ayaa u muuqday inuu qabo dhaawac halis ah oo lugta hoose ah intii lagu jiray ciyaartii Talaadada ka dhacday Anfield, taas oo Liverpool looga badiyay 2-0 habeenkaas iyo 4-0 guud ahaan.

Hugo Ekitike ayaa dhulka ku dhacay bartamihii qaybta hore, waxaana la arkayay isagoo canqowga haysta ka hor inta aan loo fidin daaweyn iyadoo ay ku hareeraysan yihiin ciyaartoydiisa.

Markii dambe waxaa lagu qaaday sariir  waxaana lagu beddelay Mohamed Salah, iyadoo Arne Slot uu qiray in dhaawacu u ekaa mid “aad u xun”, iyadoo laga cabsi qabo in ciyaaryahanka 23-jirka ah uu qabo dhaawac la xiriira seedda ciribta.

Warbaahinta Faransiiska ee L’Equipe ayaa shaacisay in Hugo Ekitike uu maqnaan doono muddo sagaal bilood ah kadib markii uu gaaray dhaawac dillaac (rupture) ah oo ku dhacay seedda Achilles tendon.

Hugo Ekitike ayaa weerarka ka bilaabay garabka Alexander Isak ciyaartii Talaadada, iyadoo ciyaaryahanka xulka Sweden uu dib ugu soo laabtay safka hore markii ugu horreysay tan iyo bishii December.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga