Ten Hag Oo Sharaxay Sababtii Ay Man United Ugu Fashilantay In Ay La Soo Saxiixato Weeraryahan Suuqii January.

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa doonayay in uu weeraryahan ku soo daro safka kooxda maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga Laakiin xeerka dhaqaale wanaaga ayaa joojiyay qorshahaas.

Man United ayaa ku dhibataoonaysa weerarka xilli ciyaareedkan iyada oo Ten Hag doonayay in uu weeraryahan cusub la soo saxiixdo si uu ugu nasiyo xiddiga Rasmus Hojlund.

Ugu yaraan 13 xiddig ayaa ka tagay Man United suuqii January iyada oo qaar ka mid ah amaah uga tageen kooxda kana mid yihiin Jadon Sancho & Hannibal Mejbri.

Si kasta ha ahaatee ma jirin lacag ay kooxdu kula soo saxiixato weeraryahan cusub Ten Hag ayaana ka hadlay qorshihiisii suuqa January.

“Ma ahan wax qarsoon in aan doonayay weeraryahan dheeri ah,” ayuu Ten Hag yidhi.

“Sababtoo ah dhaawaca Martial, ma haysanno wax taageero ah halkaas, laakiin ma aysan suurtagelin sababtoo ah waa inaan la jaanqaadnaa sharciga Financial Fair Play”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga