DEG-DEG: PSG Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Uu Mbappe Doortay Ku Biirista Real Madrid.

Kooxda PSG ayaa ka jawaabtay wararka sheegaya in uu xiddiga Kylian Mbappe go’aansaday in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga.

Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Saacadihii ugu dambeeyay warar ka soo baxaya France ayaa sheegay in uu Mbappe go’aansaday in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, Kooxda PSG ayaa beenisay wararkaas.

Saxafiga u shaqeeya Athletic ee Ben Jacobs ayaa sheegay in ayna kooxda PSG ka war qabin wax heshiis ah oo dhexmaray xiddiga iyo Real Madrid.

Madaxweynaha PSG ayaa Mbappe ka helay balan qaad ah in uuna xiddigu wax heshiis ah gaahdin ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga