DEG-DEG: Kooxda Uu Kylian Mbappé Ku Biirayo Oo La Shaaciyay.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biirayo kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska Kylian Mbappé ee kooxda PSG ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Kylian Mbappé oo muddo dheer lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay wargayska Le Parisien, Xiddiga Kylian Mbappé ayay ka go’antahay in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga