Tartanka Gooldhalinta Premier League Oo Meel Xiiso Leh Maraya.

Tartanka Gooldhalinta Premier League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo la ciyaaray 30 kulan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Man City ee Haaland ayaa wali hogaaminaya tartanka Gooldhalinta Premier league inkasta oo uuna wax gool ah dhalin kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer Norway ee Erling Haaland ayaa dhaliyay 18 gool horyaalka 29 kulan oo uu ciyaarya ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Waxa ku xiga xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo dhaliyay 16 gool ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga Ollie Watdkins kaas oo dhaliyay 16 gool sidoo kale waxa la goolal ah xiddiga Bournemouth ee Dominic Solanke kaas oo dhaliyay 16 gool.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Tottenham ee Son Heung-Min kaas oo dhaliyay 15 gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Erling Haaland (Man City) 18 Gool
Mohamed Salah (Liverpool) 16
Ollie Watkins (Aston Villa) 16
Dominic Solanke (Bournemouth) 16
Son Heung-Min (Tottenham) 15

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga