Taariikh Aan Horay Uga Dhicin Horyaalka Premier League Oo Dhici Doonta Maalinta Ugu Dambaysa Horyaalka Premier League.

Taageerayaasha Premier League ayaa goob joog u noqon doona wax aan horay u dhicin maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka isbuucaan.

Ciyaarta ugu danbeysa ee xili ciyaareedkan ayay kooxaha Arsenal Iyo Man City ku tartami doonaan horyaalka premier League.

Kooxda faa’iiidada haysata waxa la ogaan doonaa hadii ay Man City 2 dhibcood oo cadaan ah ka hor marto Arsenal hadii ay ka badiso Tottenham kulanka baaqiga ah.

Iyada oo ku xidhnaan doonta kulanka Tottenham Iyo Man City Iyo kulanka Aston Villa Iyo Liverpool waxa aan arki doonaa tartan loo galo boosaska champions League oo u dhexayn doona Aston Villa Iyo Tottenham.

Tartanka lagu qaadayo horyaalka ayaa ka dhexayn doona kooxaha Man City Iyo Arsenal maalinta ugu dambaysa horyaalka.

Sidaas darteed waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay taariikhda premier League oo la go’aamin oono ku guulaystaha maalinta ugu dambaysa isla markaas aanay ku jirin kooxaha Man United Iyo Lierpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga