Suarez Oo Shaaciyay Horyaalkii Uu Neymar Kula Taliyay In Uu Ku Biiro Markii Uu Ka Tagayay Barcelona.

Luis Suarez ayaa doonayay in Neymar uu ku biiro koox ka dhisan Premier League halkii uu ku biiray PSG.

Neymar ayaa 222 milyan ugu biiray PSG sanadkii 2017 isaga oo ka tagay kooxda Barcelona.

Inkasta oo uu dhaliyay goolal badan hadana Neymar ayaan noqon xiddiga ugu fiican adduunka sidii uu doonayay markii uu ka tagayay Barcelona.

Suarez oo ay Neymar ka soo wada ciyaareen Barcelona ayaa sheegay in uu la yaabay in uu xiddigu doortay ku biirista horyaalka France waxana uu taas badalkeeda doonayay in uu Neymar ku biiro koox premier League ka ciyaarta sida Man City.

“Waxa aan u sheegay, Neymar, hadii aad doonayso in aad guulaysato nala joog Barcelona”ayuu Suarez u sheegay Placartv.

“Ma, ugu yaraan ku biir Prmeier League sida Man City horyaalkaas waa uu ka fiicanyahay Horyaalka France”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga