Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Oo La Saaray.

Waxa la soo afjaray toodbaadii 34-aad ee horyaalka premier League.

Waxa la ciyaaray kulamo xiiso leh oo si weyn loola dhacay.

Kooxda Man City ayaa ka badisay chelsea kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka waxana ay iska xaadiriyeen final-ka.

Liverpool iyo Arsenal ayaa ku soo laabtay wadada guulaha iyaga oo gaadhay guulu ku soo celisay kaalmaha Ugu horeeya ee premier League iyaga oo ka kala badiyay Fulham iyo Wolves.

Kadib kulamada la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

Kooxda Man City ayaa hsaxda ku leh xiddigaha ugu badna iyaga oo ku leh 3 xiddig.

Kooxaha Arsenal iyo Crystal Palace ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig.

Kooxaha Liverpool, Brentford iyo Everton ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

Garth Crooks' team of the week

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga