Dib U Eegid: Bellingham Oo Real Madrid Xasuusiyay Ruud van Nistelrooy

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Jude Bellingham ayaa sii wada wacdarihii xilli ciyaareedkan.

Bellingham ayaa dhaliyay gool kulankii ay Kooxdiisu Garaacday Barcelona Kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Xiddiga reer England ayaa dhaliyay goolka guusha ee Kooxdiisa 3- da dhibcood ku heshay.

Kadib goolka Bellingham ayaa taageerayaasha Real Madrid Xasuusiyay halyeeyga Ruud van Nistelrooy.

Bellingham ayaa goolkii 2-aad ka dhaliyay kooxda Barcelona Kulankiisii 3-aad ee uu ka Hor tagay.

Bellingham ayaa gool ka dhaliyay kooxda Barcelona Kulankiisii qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Waxana uu noqday Xiddigii ugu horeeyay ee Laba gool ka dhaliya labadiisii El Clasico ee ugu horeeyay tan ilaa Ruud van Nistelrooy Oo sidaas sameeyay sanadkii 2007.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga