Sancho Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.

Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ka tago Manchester United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, mana xiiseynayo inuu soo laabto xitaa haddii Erik ten Hag uu lumiyo shaqadiisa tababarenimo.

Xiddiga reer England ayaa isaga tagay Man United suuqii January kadib markii ay isku dheceen tababare Ten Hag qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Sancho ayaa haatan wacdaro ka dhigaya kooxda Dortmund isaga oo kooxda ku hogaamiyay Final-ka tartanka champions League.

Weeraryahanka ayaa 18 kulan u saftay kooxda BVB tan iyo markii uu soo laabtay, isagoo dhaliyay seddex gool, waxaana uu diiwaan geliyay seddex caawin.

Agaasimaha ciyaaraha Dortmund ayaa dhinaciisa sheegay in ay kooxdu wax walba u samayn doonto sidii ay toos ugula wareegi lahayd xiddiga.

“Waxa aan isku dayi doonaa wax walba oo suurtagal ah si aan si toos ah ugula wareegno”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga