Saka, Saliba Mise Rice? Xiddiga Ugu Fiican Arsenal Xilli Ciyaareedkan Oo La Magacaabay.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Declan Rice ayaa ah xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan mana ahan xiddigaha Saliba iyo Saka.

Xiddiga reer England ayaa hogaamiyay qiimaynta inta ugu badan xilli ciyaareedka waxana uu u qalmaa in uu ku guulaysto abaalmarinta ugu fiican.

Arsenal ayaa riixday Man City tartanka horyaalka xilli ciyaareedkan waxana ay isla aadeen maalinta ugu dambaysa horyaalka premier League.

Shabakada Goal oo qiimaysay qaab ciyaareedka Gunners xilli ciyaareedkan ayaa soo saartay xiddiga ay u arkaan midka ugu fiican Arsenal xilli ciyaareedkan.

shabakada Goal ayaa Rice u aqoonsatay xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan kadib wacdarihii uu ka dhigay kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa 105 milyan ka soo bixisay xiddiga xagaagii waxana ay u muuqataa in ay lacagtaas tahay mid lagu guulaystay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga