Robert Lewandowski Oo Fariin U Diray Real Madrid Ka Hor Kulanka El-Clasico.

Weeraryahanka Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyay in Barcelona ay diyaar u tahay inay guul ka gaarto Real Madrid.

Blaugrana waxay marti ku noqon doontaa Merengue, berri fiidkii oo Axad ah, taasoo qayb ka ah ciyaaraha wareegga 32-aad ee horyaalka Spain, oo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu Stadium.

Lewandowski ayaa yidhi”El Clasico had iyo jeer waa kulan gaar ah, maahan kaliya anaga laakiin dhammaan dadka aduunka.”

Weeraryahanka reer Poland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaan rajaynayaa in aanu jamaahiirta aduunka tusin doono kubbad weerarka ah, waxaana diyaar u nahay in aanu guulaysano kulankan”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Dhinac ahaan, waxaan ixtiraameynaa go’aankii Xavi ee kaga tagay Barcelona, ​​haatan waxaan diirada saareynaa kaliya xilli ciyaareedkan, sababtoo ah waxaan ognahay inay aad muhiim u tahay.”

Blaugrana ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, iyadoo leh 70 dhibcood, iyadoo 8 dhibcood ka hooseysa Los Blancos, oo ku jirta kaalinta labaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga