Rivaldo Oo Barcelona U Tilmaamay Badalka Xavi, Waa Tababare Ay Taageerayaasha Barca Necebyihiin.

Ciyaaryahankii hore ee reer Brazil Rivaldo ayaa weydiistay maamulka kooxda Catalan inay u magacaabaan tababaraha reer Portugal Jose Mourinho si ay ugu badalaan tababare Xavi.

Rivaldo ayaa yidhi”“Waxaa jira taageerayaal badan oo aan ogolayn ciyaartoydii ama tababarayaashii ciyaaray ama soo tababaray kooxda ka soo horjeeda.”

““Laakiin Jose Mourinho waxa uu horeba ugu sugnaa Barcelona, ​​waana shaqsi cajiib ah”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Marka la eego in Mourinho aanu hadda shaqaynayn, marka la eego xaalada ay haatan ku sugan tahay Barcelona, ​​fikir ahaantayda, way u fududahay isaga hadda in uu qabto shaqada tababaranimo ee kooxda”.

Wuxuu sii waday: “Waxaan u maleynayaa inuu noqon doono mid weyn, xitaa haddii taageerayaasha qaar aysan dooneynin inay maqlaan magaciisa.”

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Shaki la’aan, Jose waxa uu shaqo fiican ka qaban doonaa Barca, wuu garanayaa kooxda, Horyaalka Spain iyo Champions League, wuxuuna leeyahay khibrad aad u wanaagsan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga