Waxaa si rasmi ah u soo xirmay rajadii Real Madrid ee xilli ciyaareedka gudaha Spain, kadib markii ay lumiyeen fursaddii hanashada horyaalka La Liga, kaddib guuldarro 2-0 ah oo kasoo gaartay Barcelona kulankii El Clasico ee wareegga 35-aad ee La Liga.
Natiijadan awgeed, Barcelona ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 91 dhibcood oo ay ku hoggaamineyso kala sarreynta horyaalka, halka Real Madrid ay ku hartay 77 dhibcood iyadoo ay harsan yihiin saddex wareeg oo keliya kahor dhammaadka tartanka, taasoo si rasmi ah uga saartay tartanka horyaalka.
Guuldarradan ayaa sidoo kale xaqiijisay in Real Madrid ay labo xilli ciyaareed oo xiriir ah ku dhammeysaneyso iyada oo aan wax koob ah qaadin, waana markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2009/2010, taasoo ka dhigeysa mid kamid ah waqtiyadii ugu adkaa ee kooxda soo mara sanadihii ugu dambeeyay.
Xilli ciyaareedkan hadda socda ayaa kooxda waxaa hareeyay dhibaatooyin badan, kuwaas oo isugu jiray natiijooyin liita, dhaawacyo ciyaartoy muhiim ah soo gaaray, iyo xiisado soo noqnoqday oo ka jiray qolka labiska, kuwaas oo si weyn u saameeyay bandhigga kooxda tartamada kala duwan.
Be the first to comment