Xiddiga reer Brazil ee Raphinha ayaa sii wada qorista rikooro cajiib ah kulamada El Clasico, kadib markii uu hoggaamiyay Barcelona guul kale oo ay ka gaarto Real Madrid, taasoo noqotay guushiisii 9-aad ee 13 kulan oo uu u saftay kooxda Catalanka ah.
Raphinha ayaa tiradan kaga gudbay halyeeyga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo, kaasoo gaaray kaliya 8 guul 30 kulan oo El Clasico ah.
Xiddiga reer Brazil ayaa beddel kusoo galay qeybtii labaad ee ciyaarta maanta, taasoo ku dhammaatay 2-0 oo ay Barcelona ku garaacday Real Madrid, natiijadaas oo si rasmi ah ugu xaqiijisay kooxda Catalanka hanashada horyaalka La Liga.
Tiradani waxay muujinaysaa saameynta weyn ee Raphinha ku yeeshay Barcelona tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda, gaar ahaan kulamada waaweyn, maadaama uu noqday mid kamid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee lala xiriiriyo awoodda Barcelona ay ku muujiso Real Madrid sanadihii ugu dambeeyay.
Be the first to comment