Barcelona ayaa heshiis la gaartay Arsenal si ay si rasmi ah ula soo wareegto weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus, sida uu sheegay Fabrizio Romano, labada kooxood ayaa heshiis ka gaaray €10 milyan oo Euro oo ah lacagta guud ee heshiiska, iyadoo ay ku jiraan gunnooyin dheeraad ah. Waa heshiis joogto ah, mana aha amaah.
Arsenal ayaa ogolaatay in Gabriel Jesus uu u safro Barcelona, waxaana ciyaaryahanka loo qorsheeyay inuu Isniinta maro baaritaanka caafimaadka (medical), taas oo ah tallaabada ugu dambeysa ee ka horreysa dhammeystirka heshiiska, Gabriel Jesus oo 29 jir ah ayaa Arsenal ku biiray sanadkii 2022, isagoo markaas uga yimid Manchester City. Intii uu joogay Arsenal wuxuu ciyaaray 123 kulan, isagoo dhaliyay 32 gool.
Barcelona ayaa u weecatay Gabriel Jesus kadib markii ay ku adkaatay inay Atlético Madrid kala soo wareegto Julián Álvarez, Atlético ayaa si cad uga soo horjeesatay iibinta xiddigeeda, taasoo ku qasabtay Barcelona inay raadsato weeraryahan kale.
Jesus wuxuu Barcelona siin karaa khibrad badan, waxaana uu awoodaa inuu ka ciyaaro dhowr boos oo weerarka ah. Kooxda Catalan-ka ayaa u aragta inuu yahay fursad suuqa ah oo qiimo jaban, gaar ahaan maadaama uu Arsenal ka dhacay qorshaha koowaad ee weerarka, Arsenal dhinaceeda, bixitaanka Jesus wuxuu kooxda ka yareynayaa ciyaartoy weerar ah oo booskiisu yaraaday kadib markii kooxda ay haysato xulashooyin ay ka mid yihiin Viktor Gyökeres iyo Kai Havertz.
Be the first to comment