Kooxda FC Barcelona ayaa ku guuleysatay horyaalka La Liga ee Spain markii 29-aad taariikhdeeda kadib guul ay si muteysatay uga gaartay Real Madrid kulankii El Clásico oo ku dhammaaday 2-0, kana tirsanaa wareegga 35-aad ee La Liga, kaas oo ka dhacay Camp Nou.
Barcelona ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 9-aad kadib markii xiddiga reer England Marcus Rashford uu dhaliyay gool qurux badan oo laad xor ah, kaas oo uu ku garaacay goolhaye Thibaut Courtois oo ku guuldareystay inuu badbaadiyo.
Daqiiqaddii 18-aad, Ferran Torres ayaa dhaliyay goolka labaad ee kooxda Catalanka kadib kubad uu helay Dani Olmo, kaas oo si cirib ah ugu baasay Torres, kadibna uu si fiican ugu dhammeystiray gudaha xerada ganaaxa.
Guushan kadib, Barcelona ayaa dhibcaheeda ka dhigtay 91 dhibcood iyadoo hoggaanka horyaalka si rasmi ah u xaqiijisay, halka Real Madrid ay ku hartay 77 dhibcood kaalinta labaad.
Kooxda Catalanka ayaa sidaas ku qaaday koobkeedii labaad ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay horey ugu guuleysatay Spanish Super Cup, halka Real Madrid ay xilli ciyaareedka kusoo gabagabeysay koob la’aan sanadkii labaad oo xiriir ah.
Be the first to comment