Ramsdale, Amrabat, Fernandes, Allegri, De Zerbi, Branthwaite & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa laga yaabaa inay ku qasbanaato inay qandaraas cusub u dhiibto kabtan Bruno Fernandes si loo hubiyo inuusan ka tagin kooxda xagaagan (Daily Star).

Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa weli u aragta ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal inuu yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah qorshahooda mustaqbalka, waxaana ay diidi doonaan dalab kasta oo suuqa kala iibsiga ah oo ay helaan xagaagan (Caughtoffside).

Newcastle United ayaa dalab 15 milyan euro ah ku doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale, kaasoo kasoo hoos shaqeeyay Eddie Howe waqtigii ay ku wada sugnaayeen Bournemouth (Telegraph).

Bayern Munich ayaa doonaysa saxiixa tababaraha kooxda Brighton ee Roberto De Zerbi, kaasoo hadda ah musharaxa ugu sareeya ee bedelaya Thomas Tuchel (BILD).

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay qandaraaska u cusbooneysiiso labada ciyaaryahan ee khadka dhexe Toni Kroos iyo Luka Modric, iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu doonayo in labada ciyaaryahan ay sii joogaan (Athletic).

Kooxda Serie A ka dhisan ee Napoli ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Atletico Madrid Samu Omorodion, kaasoo haatan amaah kula jooga Alaves, iyagoo raadinaya bedelka Victor Osimhen (Sky Sports Italia).

Goolhayaha Kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu ku dhawyahay kooxda Newcastle (Twitter).

Kooxda Man United ayaa haatanba dalab miiska u saartay tababare Massimiliano Allegri kaas oo laga caydhiyay shaqada Juventus si uu u badalo Ten Hag (Express).

Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay bixiso 55 milyan oo euro si ay u hesho saxixa xiddiga Jarrad Branthwaite laakiin Everton ayaa doonaysa 80 milyan oo euro (Givemesport).

Xiddiga amaahda kula jooga Man United ee Sofyan Amrabat ayaa laga yaabaa in uu ku biiro kooxda Crystal Palace (Sun)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga