Pierre-Emerick Aubameyang Oo Barcelona U Tilmaamay Badalka Ugu Haboon Ee Xavi.

Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, weeraryahankii hore ee Barcelona, ​​ayaa kula taliyay maamulka kooxda Catalan inay Badalka Xavi ka dhigaan tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp kadib markii la xaqiijiyay in uu Klopp isaga tagayo Liverpool.

Aubameyang ayaa horay ula soo shaqeeyay Klopp, markii uu kooxda Dortmund keenay sanadkii 2013, waxaana uu la qaatay labo xilli ciyaareed oo uu u dhaliyay 41 gool, waxaana uu sameeyay 16 caawin 94 kulan.

Weeraryahankii hore ee Barcelona, ​​oo haatan u ciyaara kooxda Marseille ayaa yidhi”“Klopp waa tababare leh maskax guuleed, qaabkiisuna wuxuu ku habboon yahay Barcelona, ​​wax walba ayuu ku siinayaa, wax weyn ayuu ku guuleystay. Waa tababare cajiib ah.”

Aubameyang ayaa hadalkiisa raaciyay: “Haddii ay jiri lahayd suurtogalnimada uu ku imaan karo Barcelona, ​​way fiicnaan lahayd, waan ku raaxaystay wakhtigiisii Dortmund, imaatinkiisa Barcelona wuxuu noqon lahaa wax cajiib ah.”

Xavi ayaa dhawaan xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdu dhibaatootay.

Barcelona ayaa haatanba bilowday raadinta badalka Xavi iyada oo uu Klopp ka mid yahay tababarayaasha lala xidhiidhinayo Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga