Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda Man City Kula Tartami Doonta Horyaalka Premier League Xilli ciyaareedka dambe

Tababaraha kooxda Man City pep Guarriola ayaa Sheegay in ay Arsenal tahay kooxda horyaalka premier league kula tartami doonta Kooxdiisa Xilli ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii 2-aad Oo xidhiidh ah kula tartantay Man City horyaalka premier league.

Guardiola ayaa sheegay in ay Arsenal noqoto sidii Liverpool sanadihii hore kulana tartanto ma city premier league.

“Markii hore Liverpool ayaa ahayd kooxda nala tartamaysay, haatanba Waxa ay noqon doontaa Arsenal”ayuu Guardiola yidhi.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo qalbigayga Mikel, shaqaalihiisa Tababarka iyo ciyaartoyda iyo taageerayaasha. Waxay soo mareen xilli cajiib ah”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga