Paul Scholes Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Man United Ka Caawin Kara In Ay U Soo Baxdo Champions League.

Paul Scholes ayaa aaminsan in Manchester United ay u soo bixi karto kuna dhamaysan karto 4-ta boos ee ugu sareeya premier League isaga oo sheegay in ay xiddigaha Casemiro iyo Raphael Varane door ka ciyaaraan.

Dad badan ayaa filaya in Liverpool, Manchester City iyo Arsenal ay ku dhameystaan ​​seddexda kooxood ee ugu sareysa, iyadoo booska ugu dambeeya ay ku loolami doonaan Tottenham iyo Villa, inkastoo booska shanaad ay dhab ahaantii ku filnaan karto u soo bixista UCL sababtoo ah isbedel sharci ah.

“Ma dooneyno inaan noqono koox Europa League ah, United waxa ay u baahantahay champions League”ayuu Scholes yidhi.

“Haatan uma dhawaa halkaas 4-ta boos ee ugu sareeya, laakiin wali waa suurtagal inkasta oo ay shaqo dheer hadhsantahay, hadii ay garaacaan Aston Villa wax badan kama dambayn doonaan kaalinta 4-aad”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan dareemayaa in Casemiro iyo Varane ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan arintaas sabab la xidhiidha khibradooda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga