Bukayo Saka Oo Fariin U Diray Liverpool Iyo Man City Kadib Xasuuqii West Ham.

Bukayo Saka ayaa qirtay in Arsenal ay doonaysay inay fariin u dirto kooxaha u tartamaya horyaalka Premier League markii ay 6-0 ku xasuuqday kooxda West Ham United isbuucaan.

Kadib guushii ay ka gaadhay Liverpool, Arsenal ayaa u baahnayd in ay sii wado guulaha premier League si ay u sii baacsato hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool.

Rajadii Arsenal ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore ayaa ku dhamaaday bar-baro ay la gashay West Ham iyada oo Saka khasaariyay rikoodhe.

“Waan ogayn in uu yahay kulan weyn waxana uu muhiim u ahaa si aan fariin u dirno”ayuu Saka yidhi.

“Shaqo fiican ayaan qabanay waxana aan dhalinay 6 gool sidoo kale shabaqeena ayaan ilaashanay”ayuuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga