Muxuu Pep Guardiola Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Real Madrid.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Real Madrid.

Man City ayaa guuldaro kala kulantay Real Madrid kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee 8 Dhamaadka champions League.

Guardiola ayaa si raganimo leh u aqbalay guuldarada isaga oo aan ka caban qaab ciyaareedka Real Madrid.

Real Madrid ayaa daafac ku jirtay iyaga oo aan ciyaarin ciyaar furan intii ay socotay ciyaartu.

“Ugu horeyn, hambalyo Real Madrid,” maamulaha City ayaa yiri.

“Waxay u difaacdeen si qoto dheer iyaga oo wada jir”.

“Waxaan abuurnay fursado aan ku dhalin karno goolal laakiin kubada cagta waxa ugu muhiimsan dhalinta fursadahaas”.

“Waxaan sameynay wax walba si aanu u badino laakiin noomay suurtagalin waana wadada ugu fiican ee loo guuldaraysto”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga