Muxuu Ancelotti Ka Yidhi Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaadhay Man City.

Real Madrid ayaa Man City ka reebtay Champions League waxayna u soo baxday semi-finalka.

Los Blancos ayaa inta badan ee ciyaarta ku qasbanaatay in ay daafac ciyaarto waxana ay ku badiyeen rikoodhayaal.

“Waan Ku Faanayaa Kooxda, Marna haka Quusan Real Madrid, Real Madrid marna ma dhimato”ayuu Ancelotti yidhi.

“Sidaan walwal uma gelin tan iyo soo laabashadii Chelsea. Sideen ku xasilayaa? Waan ka xumahay, tamar iima hadhin”.

“Pep Guardiola wuu noo hambalyeeyay, wuxuuna noo rajeeyay nasiib, waa nin fiican”ayuu sii raaciyay.

Man City oo difaacanaysay champions League ayaa laga reebay tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga