Arteta Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal Kadib Markii Kooxda Laga Reebay Champions League.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ka dib markii laga reebay Champions League, ka dib guuldaradii Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa guuldaro 1/0 ah dusha u saartay kooxda Arsenal kulan ka dhacay garoonka Allianz Arena.

Mikel Arteta ayaa yidhi”Ciyaartoyda ku jira qolka labiska gabi ahaanba way niyad jabeen, waan niyad jabnay, hadda ma heli karo ereyo ku haboon”.

Arteta ayaa intaa ku daray: “Waqtigan xaadirka ah waa wakhtigii la garab istaagi lahaa xiddigaha sababta oo ah iyaga ayaa na soo gaadhsiiyay heerkan”.

Arteta ayaa xaqiijiyay: “Waxaa haray 6 kulan oo horyaalka ah, waxaan laba dhibcood ka hooseynaa Manchester City oo leh jadwal adag, waa in aan u dul qaadano wakhtiga adag isla markaas lugeheenea ku istaagno”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga