Muxuu Carlo Ancelotti Ka Yidhi Bar-Barihii Kooxdiisu La Gashay Atletico Madrid.

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id, kadib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa wareega 23-aad ee horyaalka Spain.

Tababaraha ayaa wareysi uu bixiyay ku yiri: “Nasiib darro ayaa nala kulantay cidna kuma eedeyn karno, hogaanka ayaan ku jirnaa, waxaana fursad kale haysanaa sabtida kulanka Girona, waa inaan is dejinaa”.

Waxa uu intaa ku daray: “Waan u qalanay inaan badino, waxaana ciyaarnay kubad aad u wanaagsan, tani waxay isiineysaa kalsooni weyn mustaqbalkeena xiliciyaareed kaan ee horyaalka”.

“waxaan heysanaa koox adag, qof walbana wuxuu sameynayaa waxa ugu fiican, waan ku qanacsanahay”.

Kooxda Real Madrid ayaa 2 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga