Van Dijk Oo Balan-Qaad U Sameeyay Taageerayaasha Kooxda Liverpool Kadib Guuldaradii Arsenal.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa balan-qaad u sameeyay taageerayaasha kooxdiisa kadib guuldaradii Arsenal.

Liverpool ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League kana dhacay Emirates

Van Dijk ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita isaga oo sameeyay khalad sabab u noqday in kooxdiisa laga dhaliyo gool.

“Si adag ayaan u shaqayn doonaa. waan soo laaban doonaa Taas shaki kuma jiro”, ayuu u sheegay Sky.

“Waan hubin doonaa in arrimahan aysan mar dambe dhicin”.

Kooxda Liverpool ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga