Musiala, de Jong, Alexander-Arnold, Kimmich & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya xaalada Ivan Toney, kaasoo xagaagan loo ogolaan karo inuu Brentford kaga tago 50 milyan Qandaraaska weeraryahanka England ayaa dhacaya 2025 (HITC).

Dhanka kale Arsenal ayaan haatan u badnayn in ay sii wado xiisaha ay u qabto saxiixa Toney sababo la xidhiidha qaab ciyaareedka Kai Havertz (Daily Mirror).

Haddii Arsenal ay u dhaqaaqdo weeraryahan, waxaa macquul ah inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres, kaasoo doorbidaya inuu ku biiro Gunners marka loo eego kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Chelsea (Football Transfers).

Barcelona ayaa sidoo kale dooneysa inay lasoo saxiixato Bernardo Silva oo ka tirsan Manchester City, waxaana ay diyaarineysaa dalab ka kooban dhawr dalab oo lacagta lagu kala bixin karo (Fichajes).

Raphael Varane ayaa la filayaa inuu ka tago Manchester United marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaagan madaama kooxdu aysan dooneynin inay ku sii hayso (Daily Mail).

Liverpool ayaa weli xiiseyneysa xiddiga Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong, inkastoo ay kooxdooda horey ugu jireen labo daafac midig oo takhasus leh – Trent Alexander-Arnold iyo Conor Bradley (Fichajes).

Manchester City ayaa hadda hogaanka u haysa Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Bayern Munich Jamal Musiala, iyadoo Barcelona iyo PSG ay sidoo kale xiiseynayaan xiddiga (Independent).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa waxaa xiiseynaya kooxda Turkiga ee Eyupspor, kaasoo ay maamusho xiddigii hore ee Atletico Madrid iyo Barcelona Arda Turan (Mundo Deportivo).

Real Madrid ayaa wali ah kooxda ugu cad cad ee daafaca aadka loo qiimeeyo ee Lille Leny Yoro (The Athletic).

Romelu Lukaku ayaa qarka u saaran inuu ka tago Roma dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo Chelsea ay ka shaqeyneyso iibka joogtada ah (Rudy Galetti).

Manchester United ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka AC Milan Rafael Leao, kaasoo ay kooxda Serie A ka dhisan ku qiimeysay 120 milyan (Fichajes).

Labo daafac dhexe oo cusub ayaa Man Utd imaan doona xagaagan. Red Devils ayaa doonaysa in ay lacag badan ku bixiso magac weyn sidoo kalena ay keensato daafac da’yar oo awood sare leh (Football Insider).

Paris Saint-Germain kama labalabeyn doonto dalabka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong haddii ay caddaato in mustaqbalkiisu uuna ahayn Camp Nou (Sport).

Manchester City ayaa indhaha ku heysa daafaca midig ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong iyagoo isku diyaarinaya in ay hesho badalka Kyle Walker oo 33 jir ah (TEAMtalk).

Joshua Kimmich ayaa ogolaaday inuu ku biiro Arsenal xagaagan, iyadoo Gunners la filayo inay ku iibiso in ka badan 50 milyan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich (Fichajes).

Arsenal ayaa xiiseyneysa saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Eduardo Camavinga, waxaana ay rajo ka qabaan inay ku heshiiyaan heshiis ku kacaya €110m (Defensa Central).

Barcelona ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay lasoo saxiixato bartilmaameedka Tottenham Hotspur ee Nico Williams sanadka 2025 – weeraryahanka kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 42.8 milyan (SPORT).

Manchester City ayaa weli xiiseyneysa xiddiga diirada u saaran Arsenal ee Pedro Neto laakiin waxaa laga yaabaa inay tartan kala kulmaan Saudi Pro League (TeamTalk).

Liverpool ayaa laga yaabaa inay Trent Alexander-Arnold u dhaqaaqdo khadka dhexe xilli ciyaareedka soo socda hadii ay dhamaystiraan u dhaqaaqista daafaca garabka ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong (Football Transfers).

Arsenal ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto Manchester United xiddiga lagu qiimeeyo 40 milyan ee Joao Gomes (O Dia).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga