Mudada Uu Jude Bellingham Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Giron.

Idaacada Cadena Ser ayaa daaha ka qaaday mudada uu maqnaanayo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Jude Bellingham, ka dib markii uu ku dhaawacmay ciyaartii Girona.

Bellingham ayaa la bedelay ciyaartii Real Madrid iyo Girona ee shalay oo Sabti ahayd, garoonka Santiago Bernabeu Stadium ka dib markii uu dhaliyay goolkii seddexaad ee kooxda.

Ancelotti ayaa daqiiqadii 57-aad u bedelay xiddiga heerka caalami ee dalka England, si uusan u sii xumaanin kulankii Girona, kaasoo ku dhamaaday 4-0 ay ku badisay Real Madrid.

Real Madrid ayaa wax yar ka hor ku dhawaaqday in Bellingham uu dhaawac xun ka soo gaaray canqowga bidix, laakiin kooxdu ma aysan shaacin waqtiga ugu dambeeya ee maqnaanshaha ciyaaryahanka.

Sida laga soo xigtay idaacada dhaawaca Bellingham ayaa keeni doona in uu xiddigu garoomada ka maqnaado muddo 3 todobaad ah ama ku dhawaad hal bil sidaas darteed waxa uu seegi doonaa kulanka Leipzig Talaadada ee Champions League.

Laakin ciyaaryahanku wuxuu ku shaqeyn doonaa barnaamijka baxnaaninta maalmaha soo socda, ujeedkiisuna waa inuu soo qabto kulanka Leipzig ee lugta labaad ee wareegga 16-ka, kaasoo dhici doona 6-da March.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga