Miyuu Declan Rice Ka Caawin Karayaa Arsenal Inay Kuuleysato Horyaalka Premier League? Alexander-Arnold Ayaa Ka Jawaabay

Kabtan ku-xigeenka Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa ammaan ugu qubeeyey khadka dhexe ee Arsenal ee Declan Rice kadib qaab ciyaareedka fiican ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa ka badisay Nottingham Forest waxana ay 2 dhibcood ka dambaysaa Liverpool oo hogaaminaysa horyaalka premier League.

Trent Alexander-Arnold oo la weydiiyey waxa uu Declan Rice kusoo kordhiyey Arsenal, ayaa waxa uu sheegay in khadka dhexe ee reer England uu markiiba saldhigay Emirates Stadium, isla markaana ka caawinayo Gunners in ay qaab ka duwan sidii lagu yaqaanay u guuleystaan.

“Ha noqoto isaga ama qaabka ay iskula qabsadeen, waxa aan dareemayaa in ay sare u qaadeen heerkooda xilli-ciyaareedkan.” Ayuu ku bilaabay Trent Alexander-Arnold.

Waxa uu intaa ku daray: “Waa koox ay natiijooyinkooda iyo qaabkoodu joogto yihiin, waxayna guuleysanayaan iyaga oo ciyaarta maamulaya. Way ka duwan tahay sida ay u ciyaarayaan sidii hore loogu yaqaanay, qaabka ay u guuleysanayaana way ka duwan tahay.

“Waa koox da’yar ah oo bandhiggeedu fiican yahay, xilli-ciyaareedkii horese waxa haysay khibrad la’aan, marka loo eego hadda. Waa isla sidii kooxdii sannadkii hore oo khibrad badan heshay, wayna u qalmaan inay hoggaamiyaan horyaalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga