Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Man City.

Arsenal ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad Staduim.

“Runtii kulan tartan ah sida aad qiyaasi karto, waxaan sameynay tallaabo kale oo weyn maanta”.

“Waxay leeyihiin awood ay ku beddelaan qaab-dhismeedka ciyaarta waa koox ciyaarta awood waxan u malaynayaa in aan si fiican ula dhaqanay”.

“Waxan u malaynayaa in aan ku jirno xaalada ugu fiican, waxa aan ahayn kuwo awood badan waxana aan kubada u qaadnay meelo fiican”.

“Waxa aan marnay tijaabo adag, waxa aan doonaynay in aan badino laakiin marka aanad badin karin waa in aanad guuldaraysay”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga