Ten Hag Oo Sharaxay Sababta Uu Ugu Bilaabay Harry Maguire Shaxdiisa Kaydkana U Dhigay Varane.

Tababaraha Kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa ka hadlay sababta uu u doortay xiddiga Harry Maguire kaydkana u dhigay xiddiga Varane kulanka West Ham.

Daafaca Maguire ayaa ku bilowday shaxda Man United isaga oo badalay xiddiga Varane oo kaydka ku bilowday kulanka

“Ugu horeyn, Harry aad ayuu u wanaagsanaa laakiin dhaawac ayaa soo gaaray waxana uu seegay kulamadii ugu dambeeyay”ayuu Ten Hag yidhi.

“Raphaël sidoo kale aad ayuu u wanaagsan yahay, laakiin kulan 3 kulan ayuu ciyaaray”

“Ma aanan dooneynin inaan wax badan bedelno, Harry ayay ku xiran tahay inuu muujiyo waxqabadkiisa, laakiin waxaan ku kalsoonahay inuu sameyn doono.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga