Man United Oo Wadahadalo La Bilowday Badalka Erik Ten Hag.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa wadahadalo la yeeshay kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka Erik Ten Hag ee Man United ayuu shaki ku jiraa iyada oo ay kooxdu si weyn u dhibaatoonayso.

Kooxda Man United ayaa laga yaabaa in ay shaqada ka caydhiso Ten Hag dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Foot Mercato, Southgate ayaa weli ku jira liiska tababarayaasha ay Man United doonayso dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Southgate ayaa u furan in uu shaqada United ka badalo Ten Hag kadib dhamaadka tartanka Euro 2024.

Sidaas darted maamulka Man United ayaa wadahadalo hordhac ah la qaatay Tababaraha hor inta ayna si Rasmi ah ugu dhaqaaqin saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga