Man United Ma U Soo Bixi Kartaa Champions League Hadii Ay Ku Dhameystaan ​Kaalinta 5-aad Ama 6-aad? Heerarkii Ugu Dambeeyay Ayaa Shaaca Laga Qaaday

Labada kooxood ee ku haray Premier League ee Champions League – Arsenal iyo Manchester City ayaa Arbacadii laga reebay champions League kadib guuldarooyin ay kala kulmeen Bayern Munich iyo Real Madrid siday u kala horreeyaan.

Iyada oo ay ugu wacan tahay isbeddelka sharciga UEFA ka hor inta uusan xilli ciyaareedka bilaaban, waddamada ku jira labada boos ee ugu sarreeya qiimeyntooda isku dhafka ah waxay heli doonaan laba boos oo dheeri ah.

Kooxaha ku dhameysta kaalmaha shanaad iyo lixaad ayaa qeyb ka gali doona tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Taas ayaa la macno ah in Manchester United ay fursad u heli lahayd in ay wali u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe inkasta oo ay ku dhamaysan doonto meel ka baxsan 4-ta sare.

Si kasta ha ahaatee kooxaha Premier League ayaan ugu cad-cadayn in ay ku dhamaystaan labada boos ee ugu sareeya qiimaynta UEFA.

Kadib Markii la reebay Man City iyo Arsenal, Liverpool ayaa haatan ka dambaysa kooxaha Italy iyo Germany kuwaas oo qaadan doona boosaska dheeriga ah ee champions league.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga