Klopp Iyo Van Dijk Oo Ka Hadlay Ka Hadhistii Liverpool Ee Europa League.

Tababaraha iyo Kabtanka Liverpool ee Jurgen Klopp & Virgil van Dijk ayaa ka hadlay guushii ay Ka gaadheen Atalanta laakiin wali ka hadheen tartanka Europa League.

Kooxda Premier League ayaa u baahnayd in ay ku badiso 3 gool iyo wax ka badan si ay ugu gudubto wareega Semi-final-ka tartanka Europa League.

Reds ayaa taariikh ku lahayd soo laabashada intii uu Klopp joogay Salah ayaana dhaliyay gool rikoodhe oo wakhti hore ah.

Klopp ayaa yidhi:”Way cadahay in aanu nafteena siinay caqabad wayn. Ciyaarta caawa aad ayaan uga helay rabitaanka iyo awoodda ay wiilasha muujinayaan. Waxay ahayd wax cajiib ah”

“Runtii waxa ay ahayd arin la yaab leh, wax walba waanu muujinay laakiin nooma suurtagalin in aanu badino”.

“Haatan waxa aan diirada saari doonaa horyaalka, caawa waxa aanu badinay kulan waxana aan ku soo laabanay wadada guulaha”.

Kabtanka Liverpool Van Dijk, ayaa yiri:”Marka hore, Atalanta amaan ayay u qalanta, todobaadkii hore aad ayaan u liidanay, waxana ay u ciyaareen si fiican iyaguna”.

“Kulankan aad ayaan u fiicnayn laakiin waanan u qalanay in aan badino laakiin haatan waxa aan isku diyaarin doonaa kulanka Premier League”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga