Man City Mise Arsenal? Micah Richards Oo Saadaaliyay In Ay Man City Ku Guulaysan Doonto Premier League.

Manchester City ayaa ku garaaci doonta Arsenal hanashada horyaalka Premier League, Micah Richards ayaa saadaaliyay.

Lakiin halyeyga City ayaa qaba in wax walba ay ku xumaan doonto kooxdiisii hore hadii wax laga badalo kulamada.

Sida xaalku yahay Arsenal ayaa hal dhibic ku hogaaminaysa kooxda City laakiin kooxda City ayaa haysata hal kulan oo baaqi ah.

Gunners ayaa Man United la ciyaari oonta xada halka ay maalinta ugu dambaysa la ciyaari doonto kooxda Everton.

Man City ayaa dhinaceeda la ciyaari doonta Fulhm, kadib Tottenham ka hor inta ayna la ciyaarin West Ham maalinta ugu dambaysa.

“Hadii aad eegto Man City oo la ciyaari oonta Tottenham laakiin kulamada kale waxa aad ka fikiraysaa in ay badin doonaan”.

“Rikoodhkooda kulamada Tottenham ma ahan mid fiican wakhtigii ugu dambeeyay”.

“Waxa aan filayaa in uu noqon doono kulan xiiso leh laakiin aan saadaalinayaa  ay Man City badin doonto kulamada  dhiman kuna guulaysan doonto horyaalka”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga