Madaxweynaha Barcelona Oo Shaaciyay Fursadaha Rafael Marquez Ee Uu Tababare Ugu Noqon Karo Kooxda.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay in Rafael Marquez uuna ka maqnayn liiska tababarayaasha u tartamaya in ay noqdaan badalka Xavi ee kooxda 1-aad.

Laporta ayaa albaabada u furay ku soo laabashada Camp Nou Tababaraha Man City ee Pep Guardiola halka sidoo kale tababaraha Liverpool ee Klopp ayaa lala xidhiidhinayaa.

Wararka ayaa sidoo kale shaqada la xidhiidhinaya Marquez oo haatan hogaaminaya kooxda Barcelona B waxana uu sheegay in uu doonayo in uu shaqada ka badalo Xavi.

“Yaa rabin inuu noqdo tababaraha Barca? Waxaan sii wadi doonaa shaqada adag, waa kaliya xilli ciyaareedkeygii labaad ee tababarenimo”ayuu yidhi.

“waxay heli doonaan waqti ay si taxadar leh uga fikiraan inta u dhaxaysa hadda iyo dhamaadka xilli ciyaareedka. Laakiin, ma dhihi kartid maya fursad sidan oo kale ah”.

Laporta ayaa haatan daaha ka qaaday in Marquez aan laga saari karin tartanka loogu jiro tababaranimada kooxda.

“Isagu kama baxsana tartanka, waxa uu joogaa kooxda, waxa uu si fiican u garanayaa xiddigaha waana mid muhiim u ah kooxda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga