Jude Bellingham Oo Halis Ugu Jira Ganaax, Sabab

Xidiga kooxda Real Madrid Jude Bellingham ayaa halis ugu jira in dusha laga saaro ganaax kadib dhacdadii kulankii Getafe.

kamaradaha ayaa qabtay xiddiga Bellingham oo ku leh ereyga”Kufsade” isaga oo u jeeda xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Getafe ee ason Greenwood.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Getafe dacwad ka gudbisay xiddiga Bellingham sabab la xidhiidha dhacdada.

Wargayska ayaa intaa ku daray in xidhiidhka kubbada cagta Spain uu baadhitaan ku samayn doono dhacdadan, haddii Bellingham lagu helo dalbiga waxa uu la kulmi doonaa ciqaab.

Xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ayaa laga yabaa in ganaax dusha laga saaro iyada oo uu seegi karo kulamo sabab la xidhiidha dhacadada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga