Cesc Fabregas Oo Magacaabay Tababaraha Ugu Fiican Ee Klopp Ka Badali Kara Liverpool.

Cesc Fabregas ayaa aaminsan in Xabi Alonso uu noqon doono badalka ugu haboon ee Jurgen Klopp marka uu ka tago shaqada tababaranimo ee Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Alonso ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu cadcad inay shaqada kala wareegaan Klopp, isagoo wacdaro ka dhigay xirfadiisa tababarenimo ee da’da yar.

Bayer Leverkusen ayaa hadda hogaanka u haysa Bundesliga, waxayna laba dhibcood ka sareysaa Bayern Munich iyada oo Bayer Leverkusen ku jirtay kaalinta ugu 17-aad markii uu Alonso noqday tababaraha kooxda October 2022.

Fabregas ayaa sheegay in uu Alonso leeyahay awood uu ku noqon karo tababarka kooxda Liverpool maadama uu leeyahay caqli badan iyo waliba awood shaqsiyadeeda.

“Waa nin aad u caqli badan,” Fabregas ayaa u sheegay BBC’s Planet Premier League podcast.

“Waxa uu joogay halkaas muddo, waxana uu garanayaa heerka kooxda Liverpool, dadka way jecel yihiin isaga, sidoo kale waxaan u maleynayaa inuu runtii yahay tababare wanaagsan, wuxuu heystaa fikrado wanaagsan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga