Madaxweynaha Barcelona Oo Magacaabay 4 Kooxood Oo Talyaani Ah Oo Diyaar U Ah In Ay Ka Qayb Ahaadaan UEFA Super League.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ‘ma daneeyo’ in kooxaha Ingariiska aysan dooneyn inay ku biiraan Super League laakiin wuxuu daaha ka qaaday afar kooxood oo Serie A ah oo diyaar u ah inay ka qeybgalaan tartanka Super League kuwaas oo kala ah Milan, Inter, Napoli iyo Roma.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa weli ah kooxaha kaliya ee wali si rasmi ah uga qayb galaya tartan kale oo Yurub ah, waxa loogu yeero Super League, kaasoo dhawaan lagu soo bandhigay qaab cusub oo ay sameysay A22.

Intii lagu guda jiray wareysigii ugu dambeeyay ee uu siiyay raadiyaha Catalonia Stadio RAC 1, madaxweynaha Barcelona Laporta ayaa xaqiijiyay in qorshaha tartanka Yurub ee ka go’ay uu horay u socdo.

Laporta wuxuu sheegay in Super League-ga uu bilaaban karo 2025-26 ama xitaa 2024-25 iyo in kooxaha Ingariiska aysan daruuri ahayn in ay qayb ka ahaadaan mashruuca.

Taas bedelkeeda, wuxuu soo hadal qaaday afar kooxood oo Serie A ah oo diyaar u ah in ay ka qayb galaan tartanka.

“Marka lagu daro Real iyo Barca, waxa jira kooxo talyaani ah oo kala ah Inter, Milan, Napoli iyo Roma oo ka qayb gali doona tartanka”ayuu Laporta yidhi.

“Sidoo kale kooxaha Faransiiska sida Olympique de Marseille, iyo saddexda Portuguese, Sporting, Benfica iyo Porto ayaa ka qayb noqon doona tartanka wayna ku faraxsan yihiin in ay ka qayb ahaadaan tartanka”.

“Sidoo kale kooxaha reer Holland ee Ajax, Feyenoord iyo PSV ayaa ka qayb ahaan doona tartanka sidoo kale kooxaha Belguim ee Bruges iyo Anderlecht, Tartan 16 koox ah ayaa fiicnaan doona”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga